Chelsea ayaa 5-1 ku xaaqday Manchester City ciyaartii shalayto ee Stamford Bridge iyadoo u soo baxday wareega sideed dhamaadka ee koobka FA Cup.

Diego Costa ayaa gool madax ah hogaanka ugu dhiibay Chelsea ka dib karoos ka yimid Eden Hazard, ka hor inta uusan da’ yarka David Faupala u barbareynin City ka hor dhamaadkii qeybtii hore. Qeybta labaad waxaa ciyaarta la wareegtay Chelsea iyadoo Willian, Hazard, Gary Cahill iyo Bertrand Traore ay dhamaantood guul raaxo leh ku hogaamiyeen Blues.

chel2chel3chel4chel5chel6