Xulka Somalia Ee 17-Jirada Oo Sadex Dhibcood Lagu Abaalmariyay Kadib Markii Ay Guuldaro Kala Kulmeen Ethiopia Oo Sharciga Jabisay.
by Awowe Jpeen
Monday, Apr 16, 2018
Xulka Soomaaliya ee 17-jirada ayaa lagu abaalmariyay saddex dhibcood iyo 3-gool kadib markii ay qaranka Ethiopia ay ku xad gudbeen sharciga tartanka bariga iyo bartamaha Africa ee dhalinyarada 17-jirada kana socda dalka Burundi.
Somalia ayaa ka qeyb galeysa tartanka lagu qabanayo Burundi iyadoo Group-a kula jirta wadamada Ethiopia, martigaliyayaasha Burundi iyo dalka Kenya, waxeyna kulankii 1-aad ay 3-1 guuldaro ah kala kulmeen dhigooda Ethiopia.
Sida ay warbaahinta Soomaalida usoo gaarsiiyeen xiriirka kubadda cagta Somalia xulka Ethiopia ayaa lagu ciqaabay in sadex dhibcood laga jaro sidoo kalana Somalia la siiyo natiijo rogan oo 3-0 ah kadib markii ay ciyaarsiiyeen xidigo da’dodooda ay ka weyn tahay 17-sano.
Sidoo kale warbixinta ay baahiyeen xiriirka Somalida qeybta saxaafadda waxaa lagu qoray in $5000 (Shan kun doolar) la ganaaxay oo lacago ah maadaama ay ku xad gudbeen sharciga.
Sadex ka mid ah ciyaartoyda Ethiopia ee la ogaaday iney ka weyn yahiin 17-jiro ayaa loo celin doonaa magaalada Adis Ababa maanta oo isniin ah, waxaana arrimahaas oo dhan lagu go’aamiyay shir ay isugu yimaadeen gudidga tartanka ee CECAFA.
Xulka Somalia hadda waxey hogaanka u hayaan Group B iyagoo leh 3-dhibcood, wax gool ahna aan laga dhalin, waxeyna kulanka labaad berito oo talaado ah la ciyaari doonaan xuka martigalinaya tartanka ee Buruni..

Fikirkga ka dhiibo