Insha Allah, we are concluding this 30-day fast, and I am posting here to share with you all the joys and the love this has for us. May Allah accept our good deeds and reward us with the charity and donations given to those who suffer from the tragedy of war and hunger. It is noteworthy, however, that the festival of Eid is very different from the festivals that preceded it, due to the current restrictions and social isolation, which limits our gathering and meeting in the mosque. For most people in the UK, they will celebrate with their family members at home. However, some people live alone at home and will miss a lot, but those who have the technology will have the opportunity to keep in touch with their family and friends. let me convey my good message at the end of the holy month of Ramadan to all of you.
Insha Allah, waxaan kuusoo gabagabeynaynaa caawa 30 maalmood oo aan soo soomenay, waxaanan halkan idinku soo dirayaa oo aan idinla wadaagayaa dhammaan farxaddaiyo jacaylka ay tani innaga inoo leedahay. Illaahay ha aqbalo camalkeenna wanaagsan oo uu nagu abaalmariyo samafalka iyo tabarucaadka aan siinay kuwa ay ku dhacdo musiibada dagaal iyo gaajada. Laakiin waxaa xusid mudan, xafladan Ciidu in ay aad uga duwan tahay ciidihii ka horeeyay tan, iyadoo ay ugu wacan tahay xannibaadda hadda taagan iyo kala fogeynta bulshada, taasoo xaddidaysa isu imaatinkeenna iyo ku kulanka masaajidka . Inta badan dadka Boqortooyada Midowday ee UK, waxay la dabaaldegi doonaan xubnaha qoyskooda iyagga oo joogga gurigooda. Si kastaba ha noqotee, dadka qaar ayaa keligood ku nool guriga, wax badanna way tabi doonaan doonaan, laakiin kuwa leh tikniyoolajiyada waxay fursad u heli doonaan inay fogaan arag kula xiriiraan qoysaskooda iyo asxaabtooda Waxaan jecelahay inaan fursadda uga faa’ideysto oo aan idiin caddeeyo oo aan u gudbiyo farriintayda wanaagsan ee dhammaadka bisha barakeysan ee Ramadaan dhammaantiin.