Warbixin iyo Wacyigelin – Booqasho Lagu Tegay Xabsiga Gattree Gate ee Leicester
Waxaan jeclaan lahayn inaan idinla socodsiino in xubno ka tirsan ururka SOCOPA ay dhowaan booqasho rasmi ah ku tageen Xabsiga Gattree Gate ee magaalada Leicester, halkaas oo ay ku xiran yihiin maxaabiis Soomaali ah. Intii booqashadu socotay, waxaan fursad u helnay inaan la kulanno 5 kamid ah 8 maxbuus Soomaaliyeed oo halkaas ku xiran, oo aan la yeelanay wada hadal qiimo leh.
Xabsiga Gattree Gate waa xabsi heer Category B ah, taasoo micnaheedu yahay in lagu hayo maxaabiista lagu xukumay xukuno dheer oo u dhaxeeya 20 illaa 40 sano. Waxaa muhiim ah in la xuso in maxaabiistu ay haystaan fursado waxbarasho iyo horumarineed oo kala duwan:
• Qof walba wuxuu leeyahay qol gaar ah oo uu ku nool yahay.
• Waxaa la heli karaa fursado waxbarasho oo ay ka mid yihiin xirfado, tababaro, iyo waxbarasho jaamacadeed.
• Maxaabiista ka shaqeeya gudaha xabsiga waxaa maalintii la siiyaa ilaa £2.
• Waxay heli karaan adeegyo kale sida gym, ciyaaro, iyo madadaalo kale.
Si kastaba ha ahaatee, baahida ugu weyn ee ay maxaabiistu noo sheegeen waxay ahayd in loo yimaado, lana booqdo. Waxay dareemayaan go’doon iyo xiriir la’aan ay kala kulmaan bulshada Soomaaliyeed ee bannaanka. Waxay codsadeen:
• Booqashooyin joogto ah si ay ula socdaan xaaladda bulshada dibadda.
• Qalab dhaqameed iyo madadaalo sida heeso, gabayo, sheekooyin, iyo qisooyin Soomaalida ah.
• Fariimo iyo salaamo maalmaha ciidaha, maalinta xoriyadda Soomaaliya, iyo munaasabadaha kale ee muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed.
Waxay nala wadaageen in muddo dhan 15–20 sano oo ay xabsiga ku jireen, annaga aan nahay hay’addii ugu horreysay ee Soomaali ah ee soo booqata, taas oo ay aad ugu farxeen. Waxaan hadyad ahaan ugu geynnay xalwo, buskud, iyo timir, waxaana si weyn loogu riyaaqay. Mid kamid ah maxaabiista ayaa yiri: “Xalwo 20 sano ka hor ayaan ugu dambeysay.”
Waxay bulshada Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay xil iska saarto booqashada dadka Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada UK, iyaga oo tusaale u soo qaatay in dadka dhintay la booqdo oo loo ducaysto, halka iyagu ay nool yihiin oo ay si weyn ugu baahan yihiin xiriir iyo daryeel bulsho.
Sidoo kale, waxay noo sheegeen in xabsiyada UK ay kala duwan yihiin, mid walbana uu leeyahay nidaam iyo habraac gaar ah. Waxaa jira wargeysyo iyo adeegyo online ah sida GemaRecords iyo Amazon Prison Services, balse laga waayo buugaag ama waxyaabo af Soomaali ku qoran. Waxay ku qiyaaseen in in ka badan 700 maxbuus Soomaali ah ay ku xiran yihiin xabsiyada UK, taasoo muujinaysa in la baahan yahay in ganacsatada iyo suugaanleyda Soomaaliyeed ay horumariyaan waxyaabaha dijitaalka ah ee dhaqanka iyo afka Soomaaliga, si ay u gaaraan dadkan maxaabiista ah.
Dhanka diinta, maxaabiistu waxay sheegeen in aysan jirin baahi weyn oo la xiriirta, maadaama ay si joogto ah u helaan imam tukanaya salaadda Jimcaha iyo afar jeer sanadkii oo ay booqashooyin ka helaan hay’adaha Islaamka oo keena cunto iyo muxaadarooyin.
Gunaanad iyo Bogaadin
Waxaan si qiiro leh ugu mahadcelineynaa Ms. Paaya Femida, oo ka shaqeysa xabsiga Gattree Gate, taasoo ahayd qofkii nala soo xiriiray markii ay ogaatay in maxaabiis Soomaali ah halkaas ku xiran yihiin, ayna jeclaan lahaayeen in mar un ay la kulmaan qaar kamid ah walaalahooda Soomaaliyeed. Iyadaa sabab u ahayd in booqashadani ay suurtagal noqoto.
Sidoo kale, waxaan u mahadcelinaynaa maxaabiistii aan la kulanay oo nala wadaagay dareenkooda, baahiyahooda, iyo rajadooda ku aaddan in ay la xiriiraan bulshada Soomaaliyeed ee xoriyada haysata. Waxay si cad noo sheegeen in bulshada Soomaaliyeed ay isku duubnaato, lana wacyi geliyo carruurta iyo dadka waaweyn si ay uga fogaadaan dambiyada sababi kara xabsi – mid dheer ama mid gaaban.
Ugu dambeyn, waxaan rajeynaynaa in aan sii wadno xiriirka iyo wada shaqeynta Ms. Paaya, oo balan qaaday in ay nala wadaagi doonto xog dheeraad ah oo ku saabsan maxaabiista Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee ka soo jeeda Bariga Afrika ee ku xiran xabsiyada East Midlands iyo West Midlands.
Fariin Wacyigelin:
Waxaan ugu baaqeynaa bulshada Soomaaliyeed ee UK in ay:
• Xiriir la sameeyaan maxaabiista Soomaaliyeed.
• Ka qeyb qaataan booqashooyinka iyo taageerada maxaabiista.
• Sameeyaan kooxo iyo ururo bulshada ka caawiya baahiyaha dadka xiran.
Iskaashi iyo isu naxariis waa aasaaska horumar bulsho oo dhab ah.